Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Ayaa Kulan La Xidhiidha Soo Xaraynta Kiradda Guryaha Dawladda La Qaatay Gudida Nabadgalyada Gobolka Togdheer.

Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf (Dawlad) Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Ayaa Kulan La Xidhiidha Soo Xaraynta Kiradda Guryaha Dawladda La Qaatay Gudida Nabadgalyada Gobolka Togdheer.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer, ayaa daarnaa sidii dhamaan dadka ku jira kirada guryaha looga qaadi Lahaa kiradii ku waajibtay taas oo ay tahay inay ku shubaan Wasaaradda Maaliyada Xafiiskeeda cashuuraha barriga.

Badhasaabka Gobolka Togdheer, Taliyaha Booliska Ee Qeybta Gobolka Togdheer, Taliyaha Malitariga Qeybta Gobolka Togdheer Iyo Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer ayaa iskadaba maray inay muhiim tahay qof kasta oo ku jira guri dawladeed inuu soo shubo kiradii dawladu xaqa ugu lahayd, waxaanay fareen qof kasta oo ku jira guri dawladeed inuu degdeg usoo shubo kirada dawladu ku lahayd.

Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf (Dawlad) ayaa Sheegay in Magaaladda Burco ka Ka Socoto soo xereynta kirada guryaha Dawladda, wuxuuna Ku Dheeraday inay muhiim tahay in qof kasta uu shuba kiradda xaqa loogu leeyahay.

Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf (Dawlad) ayaa hoosta ka xariiqey in arintan tahay mid ka Ka Socota dhamaan Gobolada Dalka,ayna kawada shaqeyn doonaan xafiiska cashuuraha barriga ee Wasaaradda Maaliyada iyo Wasaaradda Hawlaha Guud.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.