Agaasimaha Guud ee Wasaardda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Oo Joojiyey Wado Sifo Sharci Daro Ah Loo Jarayey.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Oo Ka Duulay Masuuliyada Wasaaradda Hawlaha Guud Qaranka Ugu Xilsaarantahay Ee Kormeerka Joogtada Ah Ee Dhulka Danta Ayaa Maanta Joojiyey Wado Lajarayey Oo Laga Fulinayey Dhisme Sharci Daro Ah.

18-04-2021 Hargeysa ‘’Xafiiska Saxaafada Wasaarada hawlaha Guud’’ Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Oo Ka Duulay Masuuliyada Wasaaradda Hawlaha Guud Qaranka Ugu Xilsaarantahay Ee Kormeerka Joogtada Ah Ee Dhulka Danta Ayaa Maanta Joojiyey Wado Lajarayey Oo Laga Fulinayey Dhisme Sharci Daro Ah.

Kormeerkan Waxa Agaasimaha Guud Ku Wehelinayey Badhaasaab Ku Xigeenka Gobolka Maroodijeex Mr. Khadar Baaruud, Xoghayaha Dawladda Hoose Mudane Siciid Jaamac, Agaasimaha Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng Axmed Wali.

Dhismahan Ayaa Ahaa Mid Sharci Daro Ah, Isla Markaana Ka Baxsanaa Xeyndaabka Qorshaha Loo Sameeyey Dhulkan, Iyadoo Halkii Wadadu Maraysay Laga Bineynayey Dhisme Sharci Daro Ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Oo Mudnaanta Kowaad Siinaya Ilaalinta Danta Guud Iyo Goobaha Ka Dhaxeeya Bulshada Sida Wadooyinka, Ayaa Halgalkan Hogaaminayey Komeerka Ahaa. 

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Qaranka Uga Wakiila Hantida Maguurtada Iyo Ilaalinta Dhulka Danta Guud, Waxay Sii Labo Jibaartay Kormeerkii Joogta Ahaa Ee Ay Ku Ilaalinaysay Dhulka Danta Guud, Maadaama Lagu Jiro Wakhtiga Kala Guurka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Dalka.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ