Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxa Maanta Soo Dhaweeyey Madaxweyne Ku Xigeenka DDS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Oo Safar Shaqo Ku Jooga Magaaladda Jigjiga Waxa Kulan Soo Dhaweyn Ah Maanta Usameeyey Madaxweynaha Ku Xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Ibaarim Cusmaan. 

Agaasimaha Guud Ayaa Martiqaad Rasmiya Ku Joogay Ayaamahan Magaaladda Jigjiga, Waxaana Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Maanta Madaxweyne Ku Xigeenka Dawlad Deegaanka Somalida Mudane Xasan Cismaan, Wasiirka Madaxtooyaxa Mudane Xasan Daadhi, Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka Mudane Dr. Abdifatah Sh. Biixi,  

Agaasime Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Isna Dhankiisa Ka Mahadceliyey Martiqaadkii Ay Usoo Direen, Ka Qeybgalkii Kulanweynihii Iskaashiga Magaalooyinka Itoobiya, Iyo In Maanta Lagu Soo Dhaweeyo Laguna Qaabilo Qasriga Madaxtooyada, Waxaanu Sheegay Inay Ka Turjumeyso Iskaashiga Iyo Jaarnimada Labadda Dal.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawlad Deegaanka Mudane Ibraahim Cismaan Ayaa Soo Dhaweeyey Waftigii Uu Hogaaminayey, Wuxuu Kusoo Dhaweeyey Magaaladda Jigjiga, Wuxuu Uga Mahadceliyey Inay Ka Qeybgaleen Shirkii Ay Ku Martiqaadeen Ka Dawlad Deegaan Ahaan, Wuxuuna Hoosta Ka Xariiqey In La Iskaashada, Wixii La Is Dheeryahayna La Is Dhaafsado.

DHAMAAD

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/