Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Oo Kormeer Ku Sameeyey Dhismayaal Dawladu Leedahay Oo Wasaaradu Ka Wado Degmadda Wajaale.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Soo Kormeerey Dhismayaal Dawladu Leedahay Oo Wasaarada Hawlaha Guud Ka Hirgalinayso Degmadda Wajaale.

Kormeerkan Agaasimuhu Sameeyey Ayaa Kala Ahaa Mashruuca Calafka Xoolaha Oo Loo Dhisayo Wasaaradda Xanaanad Xoolaha, Kawaanka Degmadda Wajaale Iyo Xarunta Ciidanka Damdamiska Ee Degmadda Wajaale.

Kormeerkan Agaasimaha Guud Sameeynayey Ayaa Ugu Kuurgalay Qaabka Loo Wado Dhismayaashaa Dawladu Leedahay ee Wasaaradda Hawlaha Guud Kawado Degmadda Wajaale, Isagoo Mid Mid Udul Istaagay Dhisme Kasta, Dhismayaashan Ayaa Marka La Dhameeyo Lagu Wareejin Doonaa Hayadaha Dawalad Ee Loo Dhisay.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/