Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ku Amray Dadka Ku Jira Hantida Maguurtadda Inay Soo Bixiyaan Kiradii

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Wargalin Uu Saaka Soo Saaray Ku Amray Dadka Ku Jira Guryaha, Kaalmaha Shidaalka, Meheradaha Ee Dhamaantood Ay Lahayd Dawladu Inay Soo Bixiyaan Kiradii Dawladu Xaqa Ugu Lahayd Ee Ku Waajibtay. Sidoo Kalana Shirkadaha Dhismayaasha Ee Liisanka Dhisme Ka Haysta Wasaaradda Hawlaha Guud Inay Iyaguna Soo Bixiyaan Cashuur Sannadeedkii Sannadkan 2023 Ee Ku Waajibtay.