Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Ka Qeybgalay Daahfurtay Liisanka Cusub ee Wadayaasha Gaadiidka Dawladda iyo Qalinjabinta 27 Dareewal

Munaasibad ballaadhan ayaa loo qabtay 27 dirawal oo ka mid ah dirawaliinta gaadiidka dowladda Somaliland, kuwaasoo oo in badan tababar iyo duruus kala duwan ku qaadanayey dugsiga tababarrada darawalada gaadiidka dowladda, kaasoo ay hirgelisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur ayaa hanbalyeey 27 dirwal ee maalinta halkan ku qalinjabinay, waxaanu ku dhiirigaliyey inay qarankooda ugu adeegaan waxay soo barteen, waxaanu dhinaca kale bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumrinta Jidadka curinta, Hal-abuurkan iyo isbadalka ay markasta wadaan.

 

Dhammaadkii xafladdaasna waxa goobta shahaadooyin lagu guddoonsiiyey dirawallada ugu sareeyey dhinaca imtixaanka, halka sidoo kalena la guddoonsiiyey liisamada casriga ah ee loogu talogalay dirawallada gaadiidka dowladda Somaliland, iyadoo dhinaca kalena shahaado-sharaf lagu maamuusay xubno ka mid ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

C/kariim Maxamed Guuleed

Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD