Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamal Cabdi Muuse Ayaa Ka Qeybglay Wajigii Labaad Ee Lagu Casriyeynayey Qaab Dhismeedka Wasaaradaha Iyo Hay'daha Dawladda.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamal Cabdi Muuse Ayaa Ka Qeybglay Wajigii Labaad Ee Lagu Casriyeynayey Qaab Dhismeedka Wasaaradaha Iyo Hay'daha Dawladda.

Munaasibadda waxa soo qabanqaabisay Hay'da Shaqaalaha Dawladda, waxa ka qeyb-galay Gudoomiyaha Hay'da Shaqaalah Dawlada, Wasiirka wasaarada shaqadda iyo arrimaha bulshadda. Iyo Sideed Agaasimeyaal Guud oo Wasaaradahooda laga hir-galinayo wajiga 2-aad ee qaab-dhismeedka iyo casriyaynta.


Cumar Eid Qalombi (Agaasimaha Fulinta ee Machadka Tababarka Shaaalaha Dawladda CSI) iyo Cabdiraxmaan Yuusuf oo ka mid ah  Saraakiisha Shirkadda PARTICIP-DANSOM oo iyadu ah shirkadda Wasaaraddahan ka fulinaysa hawshan ayaa sheegay inuu mashruucani socon doono Muddo shan bilood ah,isla-markaasna ugu danbeynta laga soo saari doono Qaab-dhismeed guud oo ay Dawladdu ku shaqayn doonto, Madaxweynuhuna uu saxeexo.

Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Farxaan Aaddan Haybe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dul-is-taagay waxyaabaha wajigan labaad ee casriyaynta Wasaaraduhu kaga duwan yahay kii hore ee laga fuliyay 16-ka Wasaarood oo ay ugu mudan tahay;


Ugu danbeyntii,  Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse oo ku hadlay afka Agaasimayaasha Guud waxa kula dardaarmay  Ag/Waaxeedyada  inay si dhaw ula shaqeeyaan Shirkadda hawsha  fulinaysa,i sla-markaasna ay xogaha muhiimka ah ee ay uga baahan yihiin siiyaan,si Qaab-dhismeedka ugu munaasibsan u sameeyaan. waxaanu tilmaamay faa’iidooyinka balaadhan ee ku duuggan hir-galinta Casriyaynta iyo Qaab-dhismeedka,waaxana uu xusay inay kor-u-qaadayso Tayadda shaqadda,isla-xisaabtanka,is-waafajinta shaqada iyo shaqaalaha iyo ugu danbayntii inay meesha ka baxdo shaqaalaha badan ee Xafiisyadda is-dul-dhooban. Wuxuuna balan qaaday ka Agaasimeyaal guud ahaan inay si dhaw ula shaqeyn doonaan Hay'da shaqaalaha Dawladda, wax kasta oo ay ubaahdaana kala shaqeyn doonaan.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/