Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Wuxuu Maanta Si Rasmiya Uwareejiyey Xilkii Agaasimaha Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Wuxuu Maanta Si Rasmiya Uwareejiyey Xilkii Agaasimaha Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka.

17-01-2021 Hargeisa Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud" Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Wuxuu Maanta Si Rasmiya Uwareejiyey Xilkii Agaasimaha Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka.

Munaasibadan Xilwareejinta Oo Ay Kasoo Qeybgaleen Shaqaale Weynaha Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka, Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Gudoomiyaha Komishanka Maamulwanaaga, Agaasimihii Xilka Wareejinayey Iyo Agaasimaha Cusub, Mudan Iyo Martisharaf Kale.

Dr. Jamaal Cabdi Muuse Oo Hadda Ah Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Horena U Ahaa Agaasimaha W. Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka Ayaa Siweyn Uga Waramay Qaab Dhismeedka Wasaaradda, Shaqooyinka Ay Hadda Gacanta Ku Hayso, Higsiga Iyo Himilada Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Iyo Wuxuu Kusoo Kordhiyey Intuu Xilka Joogay.

Waxa Iyaguna Hadalka Iska Dabaqaatay Wasiirada Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha Iyo Isgaadhsiinta Iyagoo Dhankooda Sabootiyey Agaasimihi Hore Soona Dhaweeyey Agaasimaha Cusub, Ugu Danbeyn Waxa Halkaas Lagu Maamuusay Agaasime Dr. Jamaal Cabdi Muuse Oo Bilado Iyo Shahaadyo Sharafyo La Gudoonsiiyey.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ