Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamal Cabdi Muuse Ayaa Maanta Magaaladda Berbera Kaga Qeybgalay Shirka Mashruuca Horumarinta Magaaladda Berbera.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamal Cabdi Muuse Ayaa Maanta Magaaladda Berbera Kaga Qeybgalay Shirka Mashruuca Horumarinta Magaaladda Berbera "Berbera Urban Development Project".

21-03-2021 Berbera “Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud” Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamal Cabdi Muuse Ayaa Maanta Magaaladda Berbera Kaga Qeybgalay Shirka Mashruuca Horumarinta Magaaladda Berbera "Berbera Urban Development Project".

Agaasimaha Guud Waxa Shirkan Maanta Magaaladda Berbera Ka Qabsoomay Waxa Kala Qeybgalay Dhinaca Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Ciise Maxamuud Ciise, Lataliye Sare Nasradiin Cumar Cismaan.

Ugu horaynti waxaa shirka furtay marwo caasha oo ah madaxa hayada Un habitat oo dhaman marti sharafka kuso dhawayasay goobta shirka aya ka hadashay muhima uu shirkani magaalada berbera u leeyahy iyo Qaranka.

Xoghayaha degmeda berbera cabdikarim aadan Cade oo isna dhicisa shegay in ka magaalo ahaan aya baahi wayn u qabaan in mashrucan la hirgaliyo ayaa shegay in dadka magalada iyo guud ahaanba gobolka dakhligiisu sare u kici doono oo dhalin yartuna shaqo abuur ka heli doonan.

Maayorka magaalada berbera ayaa faahfaahin isna dhinicisa ka bixiyay mashruuca berbera urban development project ayaa sheegay in mashruucan lagu horumarin doono kaabayaaasha dhaqaale ee magaalada berbera.
Isagoo sheegay in afarta tiir ee ugu waawayn noqon doonan
1: kor u qaadida dalxiiska magalada berbera
2: green park lagu nasto oo laga samayn dono magaalada.
3: track parking oo ah goob wayn oo gaadidka xamulka dakada ka shaqeeya ay isticmali donan.
4: maamulka iyo maaraynta qashinka magaalada magaalada .
Sidoo kale waxa uu mayarku sheegay in mashaaricda la dhagax dhigi doono.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka saaxil ayaa isna dhinica sheegay in mashrucan ay si wada jir ah uga wada shaqayn donan ka dawlad Dhexe ahaan.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamal Cabdi Muuse ayaa sheegay ka wasaarad ahaan ay khibrad badan ka haystan urban projects meelo badana kaso fuliyeen master plan iyo urban planba.

Sido kale waxa uu sheegay in hanaanka maamulida qashinka magaalada berbera fursad wayn u yahay magaalada berbera casharna u noqon doonta magaalooyinka kale.

Sidoo kale Agaasimayaasha Guud Ee Arimaha Gudaha iyo Qorshaynta oo shirka kasoo qayb galay, ayaa iyaguna dhinacooda ka waramay hawshu halkay marayso iyo caqabadaha horyaala.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ