Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Soo Kormeeray Wadada 200ft Ee Ay Fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa  Soo Kormeeray Wadada 200ft Ee Ay Fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud.

Kormeerkan Maanta Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ku Tagay Wadada 200ft, Waxa Ku Wehelinayey Agaasimaha Naqshadaynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Eng. C/raxmaan Maxamed Aar, Madaxa Hawlwadeenada Wasaaradda Ee Fulinaya Wadada 200ft Eng. Maxamuud Maal Cali, Iyo Dhamaan Hawlwadeenadda Fulinaya Wadadan.

Ugu Horeyn Waxa Warbixin Agaasimaha Guud Ka Siiyey Eng. Axmed C/raxmaan Iyo Madaxa Hawlwadeenada Wasaaradda Ee Fulinaya Wadada 200ft Eng. Maxamuud Maal Cali, Oo Sheegay Inay Wadada Ay Hadda Dhameeyeen 28km, Sidoo Kalana Cagafyada Ka Hawlgalayaa Ayaaa Cadeeyeen Dhamaan Intaa Lasoo Sameeyey Ay Maanta Ufududahay Inay Dadku Mari Karaan Lana Adeegsan Karo, Iyagoo Dhinaca Kale Sheegay In Inta Hadhay Ay Ku Dhameystiri Doonaan Todobaadka Soo Socda.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Sheegay Inay Ka Wasaarada Hawlo Guud Ahaan Ka Go’antahay Dhameystirka Wadadan, Sidoo Kalana Dadweynaha Ugu Bushaareeyey Inay Dhameytiri Doonaan Todobaadka Hadhay Inta Shaqadda Uga Hadhay Hawlwadeenada, Sidoo Kale Agaasimaha Guud Ayaa Umahadcelieyey Hawlwadeenada Ayaa Aad Ugu Mahadceliyey Madaalayaasha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Shaqadan Adag Gacanta Ku Haya, Wuxuuna Urajeeyey Inay Qarankooda Ugu Adeegaan Guul Iyo Hagar La’aan.


ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.