Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa Xafiiskiisa Shir Kula Qaatay Kormeerayaasha Gobolka Maroodijeex Ee Ilaaliya Dhulka Danta Guud Ee Wasaaaradu

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Xafiiskiisa Shir Kula Qaatay Kormeerayaasha Gobolka Maroodijeex Ee Ilaaliya Dhulka Danta Guud Ee Wasaaaradu Qaranka Uga Masuulka Tahay.

Kulankan oo ku wehelinayay Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Dhulka Eng Sakariye C/laahi Cumar ayaa ujeedadiisu daarnay sidii loo dardar Galin lahaa ilaalinta iyo dabagalka Dhulka Danta Guud ah ee Dawlada, isla markaan meel looga soo wada jeedsan lahaa inaan lagu tagri falin Dhulka Danta Guud, sida Buuraha, Dooxyada, Jeexjeexyada iwm

Ugu danbayntii Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa kormeerayaasha uga mahadnaqay shaqadan adag ee ay Qaranka u hayaan isla markaan kusii dhiiri galiyay sidii ay shaqada usii labanlaabi lahaayeen.

ALLAA MAHAD LEH
DHAMMAAD