Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa Xafiiska Wasaaradda Ee Gobolka Sool Kulan Kula Qaatay Iskuduwaha Wasaaradda Ee Gobolka Sool Iyo Shaqaalaha Xafiiska Ee Gobolkaas.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Xafiiska Wasaaradda Ee Gobolka Sool Kulan Kula Qaatay Iskuduwaha Wasaaradda Ee Gobolka Sool Iyo Shaqaalaha Xafiiska Ee Gobolkaas.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Iskuduwaha Wasaaradda Hawaha Guud Ee Gobolka Sool, ayaa daarnaa sidii dhamaan dadka ku jira kirada guryaha looga qaadi kiradii ku waajibtay taas oo ay tahay taas oo ay iska kaashadaan Xafiiska Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Sool Iyo Xafiiska Cashuuraha Barriga Ee Gobolka Sool.

Dhinaca Kale kulan ayaa lagaga hadlay Si dib loogu unki lahaa dib loogu qaabeyn lahaa unugii ilaalinta Danta Guud, isla markaana si joogta ahna unugaasi u ilaaliyo Dhulkii Master Plan-ku maray sannadkii 2019 Wasaaradda Hawlaha Guud ka fulisay Magaaladdan Laascaanood. Iyadoo dhinacan kale lagaga hadlay kulankan Ilaalinta Dhismayaasha Dawladda loo dhisayo ee laga fulinayo Gobolka Sool, oo ay Masuul ka yihiin Injineeradda Wasaaradda ee Gobolka Sool.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf ayaa shaqaalaha Xafiiska Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka Sool ku dardaaray inay gutaan wixii shaqo ah ee ay Qaranka uhayaan, isla markaana masuuliyad gaara iska saaran Ilaalinta Tayadda Dhismayaasha ee uu hadda Xafiiskan gacanta ku hayo, iyo sidii loo udhawrsanaan lahaa Qorshe Magaaleedkii Magaaladda Laascaanood.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD