Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa Soo Kormeeray Dhamaan Mashaariicdda Dhismayaasha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gacanta Ku Hayso Ee Ka Socda Magaaladda Laascaanood.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Iyo Wafti Uu Hogaaminayey Ayaa Maanta Soo Kormeeray Dhamaan Mashaariicdda Dhismayaasha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gacanta Ku Hayso Ee Ka Socda Magaaladda Laascaanood.

Kormeerkan Agaasimaha Guud Waxa Ku Wehelinayey Agaasimayaasha Waaxayaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Kala Ah, Naqshadeynta Magaalooyinka, Dhulka Iyo Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Iskuduwaha Wasaaradda Ee Gobolka Sool, Iyo Injineeradda Kormeerka Dhismayaasha Ee Xafiiska Wasaaradda Ee Gobolka Sool.

Dhismayaasha Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Dhismaha Dhismaha Cisbitaalka Dhimirka Ee Magaalada Laascaanood Iyo Dhismaha Cusub Ee Jaamacadda Nugaal Ee Magaaladda Laascaanood.
Madaxa Kormeerka Dhismayaasha Ee Gobolka Sool Eng C/qani Ayaa Warbixin Agaasimaha Ka Siiyey Dhismayaashan, Isagoo Sheegay In Dhismayaasha Kormeerkeen Maanta Lagu Sameeyey Ay Marayaan Meel Gobogabo Ah, Dhismaha Cisbitaalka Dhimirka Ee Magaalada Laascaanood Iyo Dhismaha Cusub Ee Jaamacadda Nugaal Ay Dhamaan Doonaan Bishan Soo Socota Gudaheed Insha Allah.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Soo Kormeerey Isla Markaana Soo Indho-indheeyey Dhismayaashan Dawladeed Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gacanta Ku Hayso, Wuxuuna Bogaadiyey Injineeradda Wasaaradda Ee Gacanta Ku Haya Dhismayaashan.

Agaasime Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Dhinaca Kale Wuxuu Xusay In Dhamaan Mashriicdaa Horumarineed Ee Laga Hirgalinayo Magaaladan Laascaanod Ay Qaran Ahaan Ku Baxayso Lacag Faro Baddan, Taas Oo Muujinayso Qaabka Dawladda Somaliland Ay Mudnaanta Gaar Ah Usiinayso Gobolkan Sool Iyo Magaaladdan Laascaanoodba, Ay Mudantahay In Dadweynuhy Ay Soo Dhaweeyaan, Qarankoodna Garab Istaagaan.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Xidhiidhka Goboladda Iyo Warbaahinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud , Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
DHAMMAAD