Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa Qaranka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuumad Ex Wasiir Shukri Xariir Ismaacill

TACSI AGAASIME GUUD: 16/01/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse isagoo ku hadlaya Magaciisa, Iyo kan Shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyootay Goor Dhaweyd Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxa uu Agaasimuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida marxuumada dhammaan haween-weynaha Somaliland. kana mid ahayd haweenka qarankan uga faa’iideeyey wakhtigooda iyo aqoontooda, iyadoo muddo dheer ku soo dhex jirtay saaxda Warbaahinta, Siyaasada iyo Arimaha bulshada, xilal kala duwana ka soo qabatay xukuumadihii kala danbeeyey ilaa ay ka gaadhay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigalinta.

Waxaanu Agaasime Dr. Jamaal Cabdi Muuse Marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/