Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ayaa Magaaladda Jigjiga Kaga Qeybgalay Kulan Waynaha Heer Qaran Ee Qorshaha Iyo Horumarka Magaalooyinka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Magaaladda Jigjiga Kaga Qeybgalay Kulan Waynaha Heer Qaran Ee Qorshaha Iyo Horumarka Magaalooyinka Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha ee Federalka Itoobiya " Ministry Of Urban Development and Constraction".



Kulankan Ayaa Ka Dhacay Magaaladda Jigjiga, Waxaana Kasoo Qeybgalay Wasiirka Hawlaha Guud ee Federalka Itoobiya, Madaxweynaha Dawlad Deegaan Somalida, Wasiirul Dawlaha Horumarinta Magaalooyinka, In Ka Baddan 15-Maayir Oo Magaalooyinka Itoobiya Ka Kala Socday, Iyo Marti Sharaf Baddan Oo Lagu Martiqaaday.

Agaasimaha Guud Ayaa Martiqaad Rasmiya Oo Uu Heley Kaga Qeybgalay Kulankaas, Iyadoo Dawlada Itoobiya Soo Casuumtay Wafti Ka Socday Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhlka Iyo Guryeynta Ee Somaliland Uuna Hogaaminayey Dr. Jamaal Cabdi Muuse, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Ee Wasaaradda Eng. Ciise Maxamuud Ciise Iyo Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Mr. C/raxmaan C/laahi Wirdaani.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/