Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa Kulan La Xidhiidha Soo Xereynta Kiradda Guryaha La Qaatay Badhasaabka Gobolka Sool Iyo Dadka Ku Jira Guryaha Dawladda Magaaladda Laascaanood

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Ayaa Kulan La Xidhiidha Soo Xereynta Kiradda Guryaha La Qaatay Badhasaabka Gobolka Sool Iyo Dadka Ku Jira Guryaha Dawladda Magaaladda Laascaanood

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Sool C/kariim Aadan Xaaji Diiriye, Agaasime Waaxeeddada Wasaaradda ee Waaxyaha, Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha, Dhulka Iyo Naqshadeynta Magaalooyinka, Iskuduwaha Wasaaradda Ee Gobolka Sool. Sidoo kale waxa kulankan goobjoog ka ahaa dadka ku jira Guryaha Dawladu leedahay ee ku yaala Magaaladda Laascaanodo.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska badhasaabka Sool, ayaa daarnaa sidii dhamaan dadka ku jira kirada guryaha looga qaadi kiradii ku waajibtay taas oo ay tahay inay ku shubaan Wasaaradda Maaliyada Xafiiskeeda cashuuraha barriga.

Iskuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka Sool, Iyo Badhasabaka Sool ayaa iskadaba maray inay muhiim tahay qof kasta oo ku jira guri dawladeed inuu soo shubo kiradii dawladu xaqa ugu lahayd, waxaanay fareen qof kasta oo ku jira guri dawladeed inuu degdeg usoo shubo kirada dawladu ku lahayd.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf ayaa si rasmiya u iclaamiyey in Magaaladda Laascaanood ka bilaabantay soo xereynta kirada guryaha Dawladda, wuxuuna usheegay inay muhiim tahay in qof kasta uu shuba kiradda uu xaqa loogu leeyahay.

Agaasime Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf ayaa hoosta ka xariiqey in arintan tahay mid ka bilaabatay dhamaan Gobolada Dalka, Laascaanood hadda wixi ka danbeeya ay ka bilaabanyso, ayna kawada shaqeyn doonaan xafiiska cashuuraha barriga ee Wasaaradda Maaliyada iyo Wasaaradda Hawlaha Guud.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD