Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Oo Kulan La Qaatay Shaqaalaha ka Shaqaynaya Diwaangalinta Hantida Maguurtada Dawladda.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Mudane C/Laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Ayaa kulan is xog waraysi Ah La Yeshay Shaqaalaha ka Shaqaynaya Diwaangalinta Hantida Maguurtada Dawladda (Asset Registration)

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaarada Halwaha Guud Dhulka Guryaynta Ayaa Oo Ay ka soo qayb galeen shaqaalaha ka shaqaynaya diwaan galinta hantida ma guurtada Oo ay ka kala socday wasaarada hawlaha guud Iyo wasaarada horumarinta Maaliyada.

Iyadoo Warbixin buuxda laga siiyay Agaasimaha guud waxyaabaha u Qabsoomay Iyo carqaladaha jira iyadoo Dhinac walba si Gaara uga war bixiyeen Shaqada ay Qaabilsan yihiin
Ugu dambayntii agaasimaha guud waxa uu u mahad celiyay shaqaalaha ka shaqaynayay shaqadan kuna dhiiri galiyay inta dhiman shaqaday inay soo dhamays tiraan.


ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Xidhiidhka Gobolada Iyo Warbaahinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD