Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Ayaa Si Rasmiya Xilkii Ugu Kala Wareejiyey Agaasimihii Hore Iyo Agaasimaha Cusub Ee Waaxda Dhismaha.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan "Dawlad" Ayaa Maanta Si Rasmiya Xilkii Ugu Kala Wareejiyey Agaasimihii Hore Iyo Agaasimaha Cusub Ee Waaxda Dhismaha.

Xilwareejintan Labadda Agaasime Waaxeed ayaa ka qabsoontay maanta Xafiiska Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan "Dawlad"

Agaasimaha Cusub Ee Waaxda Dhismaha Eng. Ilyaas Maxamed Ibraahim Iyo Agaasimihii Hore Ee Waaxda Dhismaha Eng Axmed Haybe Colujoog Ahna Imika Agaasimaha Cusub Ee Waaxda Guryaynta Wasaarada Hawlaha Guud.

Xilwareejintan Oo Ka Dhacday Xarunta Wasaarada Hawlaha Guud Oo Ay Kasoo Qayb Galeen Agaasimaha Waaxda Maamulka Iyo Maaliyada Sharmaarke Maxamed Saalax Iyo Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Jamaal Ibraahim Muuse Iyo Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Dhismaha Hinda Maxamuud Xayd.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan "Dawlad" ayaa u mahadnaqay Agaasimhii hore ee Waaxda Dhismaha Eng Axmed Haybe Colijoog sida Habsamida leh ee Uu usoo Waday Shaqada Waaxda kuna suntanaan Doonto Wixii Horumar Ee ay Gaadhay Waaxdu.

Sidoo Kale Agaasimaha Guud Waxa Uu Soo Dhaweeyay Agaasmiha Cusub Ee Waaxda Dhismaha Eng Ilyaas Maxamed Ibraahim Oo Kula Dardaarmay Shaqo Wanaag Iyo In Uu Muujiyo Hawl karnimo.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.