Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Halwaha Guud Ayaa Tababar Ufurey Shaqaalaha Diwaangalinaya Hantida Maguurtadda Dawladda.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Halwaha Guud Mudane C/Laahi Maxamed Maxamud Jiidhe Oo Uu Weheliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliya Maxamed Cabdi Qurxan Ayaa Maanta Si Wada jira Tababar Ugu Furey Shaqaalaha Diwaangalinaya Hantida Maguurtadda Dawladda Oo Ka Kala Socday Wasaaradaha Iyo Hayadaha Madaxa Banaan Ee Dhamaan Laamaha Dawladda.

Tabarkan Oo ay Kasoo qayb galeen 66 qof Oo ka kala socda wasaaradaha Iyo Hayadaha Madaxa Banaaan Ee Dawlada Ayaa u jeedadiisu Daarnayd Sidii Kor loogu Qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha u Qaabilsan hantida ma guurtada ah ee Xarumaha Dawlada
Iyadoo lagu tababari doono Siyaasada Guud Ee Diwaan Galinta Hantida Ma Guurtada ah Iyo xirfado kale Oo kor loogu Qaadayo aqoontooda.
ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD