Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Wasaaradda Oo Shir Gaara La Yeeshay Iskuduwayaasha Wasaaradda Hawlaha Guud

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Maanta Shir Gaara La Yeeshay Iskuduwayaasha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Goboladda Qaar.

Kulankan Ee Uu La Qaatay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Iskuduwayaasha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Goboladda Qaad Ayaa Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee Wasaaradda.

Shirka Maanta Agaasimaha Guud La Qaatay Iskuduwayaasha Goboladda Qaar Ayaa Ka Koobnaa, Iskuduwayaasha Goboladda Sool, Saraar, Togdheer, Hawd, Maroodijeex, Gabilay, Awdal Iyo Maamula Wasaaradda Ee Degmadda Sallexley.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Iskuduwayaashan Qaar Ee Goboladda Wasaaradda Ujooga Ee Uu Maanta La Kulmay Ku Adkeeyey Masuuliyada Shaqo Ee Ay Hayaan In Iskuduwe Kastaa Gobolka Uu Joogo Xoojiyey Shaqadda Uu Ka Hayo, Iyo In Shaqooyinka Socda Mudnaan Iyo Kala Horeysiin Ay Siiyaan, Isagoo Ka Codsaday In Iskuduwe Kastaa Soo Qoro Warbixin Dhameytiran Oo Shaqooyinkooda Tilmaamaysa, Kana Warbixinaysa Shaqooyinka Ay Hadda Gacanta Ku Hayaan.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.