Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Kulankii Uhoreeyey La Qaatay Dhamaan Agaasime Waaxeedada

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Shirkii Ugu Horeeyey Ee Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Kulankan Ee Uu La Qaatay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Dhamaan Agaasime Waaxeedada, Agaasime Ku Xigeenada Iyo Lataliyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee Wasaaradda.

Shirka Maanta Agaasimaha Guud La Qaatay Dhamaan Agaasime Waaxeedyada, Agaasime Ku Xigeenada Ayaa Ayaa Ugu Horeyn Ku Furmay Isbarasho Agaasimaha Guud Iyo Agaasime Waaxeedyada.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Arimo Muhiim U Ah Shaqada Wasaaradda Kaga Hadlay, Sidoo Kale Soo Sidoo Kale Agaasime Waaxeedada Kula Dardaarmay Dardargalin Dhinaca Shaqada Wasaaradda Ah, sidoo kale Agaasime Waaxeedada Ayaa Shaqooyinka Waaxahooda La Waadagay Agaasimaha Guud.
Agaasime Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Agaasimayaaha Ku Adkeeyey Masuuliyada Shaqo Ee Looga Baahanyahay In Qostana Iska Saaro Goobta Uu Joogo, Wuxuuna Xoojiyey In La Badiyo Shirarka Iyadoo Shaqooyinka Socda Mudnaan Iyo Kala Horeysiin La Siiyo, Wuxuuna Kula Dardaarmay Agaasime Kasta, Agaasime Ku Xigeenka Kasta Iyo Lataliye Kastaa Inuu Ilaaliyo Tayada Shaqo Ee Uu Gacanta Ugu Hayaan Shacabka Kala Duwan Ee Reer Somailand Meel Ay Joogaanba.


ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD