Agaasimaha Guud Dr. Jamal Cabdi Muuse Oo Kormeerey Hangaro Loo Dhisayo Hay'da Ka Hortaga Masiibooyinka Iyo Keydka Raashinka Qaranka

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamal Cabdi Muuse Ayaa Soo Kormeerey Hangaro Wasaaradda Hawlaha Guud Udhisayso Hay'da Ka Hortaga Masiibooyinka Iyo Keydka Raashinka Qaranka.


Kormeerkan Ayuu Agaasimuhu Kusoo Indho-indheeyey Qaabka Uu Usocdo Dhismahaasi, Waxaana Ka Qeyb Ahaa Kormeerkan Gudoomiyaha Hay'ada Ka Hortaga Masiibooyinka, Wasiirka Caafimaadka, Maayirka Degmada Gabilay, Agaasimaha Waaxda Dhismaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Iskuduwaha Wasaaradda.

Agaasime Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Intuu Kormeerkiisa Ku Jirey Hangar Hangar Ugalay Dhismayaasha Socda, Wuxuu Warbixino Ka Dhagaystay Agaasimaha Waaxda Dhismaha, Isagoo Markuu Agaasimuhu Kormeerkiisa Soo Dhameeyey Sheegay In Wixii Shaqo Ah Ee Dhiman Ee Dhismaha Ah La Iskugu Noqon Doono Xafiiska.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ