Agaasimaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Oo Joojiyey Dhul Danguud Oo Sifo Sharci Daro Ah Loo Istivmaalayey

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Joojiyey Dhul Danguud Oo Sifo Sharci Daro Ah Loo  Isticmaalayey.

Kormeerkan Maanta Agaasimaha Guud ku joojiyey dhulkan sida sharci darada ah loo isticmaaleyey ayaa waxa ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Dhulka Iyo Guryaha Eng. Maxamuud Maal Cali, Agaasiamaha Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka Eng. C/raxmaan Maxamed Aar, Agaasiamaha Waaxda Xidhiidhka Goboladda Mudane C/raxmaan C/laahi WIrdaani.

Kormeerkan wuxuu Agaasimaha Guud kusoo marey dhulka Ex-Crash Program ee ku yaala duleedka Magaaladda Hargeysa ee deegaanka Halaya, sidoo kale wuxuu Agaasimuhu kadib joojiyey dhulka danta guud ee ku yaala koonfurta Madaaarka Hargeysa, halkaas oo la awdayey laag biyo mareena, Agaasimaha ayaa ka saaray Cagafyadii halkaas ku shaqeynayey, isla markaana ug digay inay markale faraha lasoo galaan dhulka danta guud.

Agaasimaha Waaxda Dhulka Iyo Guryaha Eng. Maxamuud Maal Cali ayaa ka warbixiyey kormeerkan Agaasimaah Guud maanta sameeyey, wuxuu udigay mulkiilayaasha iska leh cagafyada ee gala goobaha danta guuda, sidoo kale wuxuu dadweynaha ka codsaday inay kala shaqeeyaan ilaalinta dhulka danta guud.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ