Agaasimaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Magaalo Tog-wajaale Kusoo Dhaweeyey Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha Ee Dawladda Faderalka Itoobiya.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Magaalo Ganacsiyeedka Tog-wajaale Kusoo Dhaweeyey Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha Ee Dawladda Faderaalka Itoobiya.

Waftigan Waxa Magaaladda Jigjiga Kasoo Galbiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse, Ay Weheliyaan Agaasimaha Waaxda Qoesheynta Eng Ciise Maxamuud Ciise, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada C/raxmaan C/laahi Wirdaani.

Waftigan Ayaa Dhinaca Itoobiya Ka Koobnaa Wasiirudawlaha Wasaradda Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha Ee Dawladda Federaalka Itoobiya, Madaxweyne Ku Xigeenka Kilidhka Shucuubta Koonfureed Ee Itoobiya, Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha Ee Dawlada Deegaanka, In Ka Baddan 80 Mas'uul Oo Ka Kala Socday kilillada Ethiopia, Mayors Farabadan, Iyo Saraakiil Ka Tirsan Hay'adda Qaramada Midoobay ee UN-Habitat.
Ujdada Socdaalka Ay Somaliland Ku Yimideen Kaddib ka Qayb-galkii Shirkii Qorshe Goboleedka Horumarinta Maagaalooyinka "Regional Spatial Planning" Oo Ka Qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Dawladda Deegaanka Soomaalida Ee Jigjiga.

Tog-wajaale, Waxay Maanta Noqotay Magaalo Kulmisay Kulan Labo dal, Iyada Oo Tusaale Nool U Ah Ahmiyadda Is Dhexgalka Iyo Wax Wada Qabsiga Dalalka Dariska aah.
Weftigan Ayaa Si Meeqaamkeedu Sareeyo Waxa Lagu Soo Dhaweyeey Magaaladda Togwajaale ee Xadka Labadda Waddan Ay Wadaagaan Halkaasi Oo Ay Kusoo Dhaweeyeen Waftigaa Ka Koobnaa. Maamulka Gobolka Gabilay Iyo Kan Degmadda Wajaale Iyo Boqolaal Dadweynaha Reer Wajaale.

Maayir Ku Xigeenka Degmada Wajaale, Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Gabilay, Maayirka Degmada Wajaale Ee Dhinaca Itoobiya Ayaa Ugu Horeyn Si Wadajira Waftigan Kusoo Dhaweyey Degmada Wajaale, Waxaanay Usharaxeen Qaabka Ay Dalku Isku Dhexgalaan, Ganacsiga Magaaladda Ka Socda, Waxyabaha Ay Dadweynaha Ku Kala Nool Labada Qaabka Ay Ukala Faa'idaan.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse iyo weftigii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyenta JSL oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Iyo Tirakoobka Eng. Ciise Maxamuud Ciise iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Gobollada Iyo Warbaahinta Cabdiraxmaan Cabdillaahi Wirdanai ayaa maanta gallinkii hore soo gaadhay magaalo ganacsiyeedka Tog-wajaale. Iyada oo weftiga Agaasime Jamal Muse, waxa wehelinayey wefti ballaadhan oo tiradoodu kor u dhaaftay 80 qof oo ka kooban wasiirro heer qaran ah, madaxweyne ku xigeenno heer deegaan ah, wasiirro heer deegaan ah, Maayarro iuo saraakiil ka tirsan Hay'adda UN Habitat.

Kaddib, markii ay weftiga labada dal indho indheyn ku soo mareen rugaha dawladda Somaliland ee Togwajaale, waxa kulan ballaadhan lagu qabtay xarunta degmada Wajaale. Halkaasi oo Agaasime Muuse uga Mahadceliyey madaxda Dawladda Ethiopia, haar ahaan kuwa Dawlad Dewgaanka Soomaalida marti-qaadkii iyo ka qaybgalkii Shirkii Qorshe Gobolleedka Horumarinta Magaalooyinka "Rwgional Spatial Planning" oo 11.02.2021 ku qabsoomay qasriga madaxtooyada ee Magaaladda Jigjiga.

Dhinaca Kale, Agaasime Muuse ayaa Sheegay In Magaaladda Tog-wajaale ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta JSL ka hirgalisay Qorshe Magaaleed ku habboon "Master Plan", isaga oo aad u soo Dhaweyey In labada dawladood ay Iskaashadaan horumarinta dannaha dhaqam-dhaqaale ee ay halbowlaha u tahay Wajaale.

Sidoo kale, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha Ee Dawladda Faderaalka Itoobiya Ayaa Umahadceliyey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Oo Somaliland Kusoo Dhaweyey, Wuxuu Xoojiyey In Lawada Shaqeeyo Labadda Dawladood.

Gabagabadii, Guntii iyo Gunnaanadkii Shirkan Maanta Ku Qabsoomay Degmo Xuduuddeedda Tog-wajaale Ayaa Ahmiyadiisu Ahayd Is Dhexgalka Gobolka "Regional Integration",

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ