Agaasimaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Kulan La Qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud.

Agaasime Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Kulan Barasho, Dardargalin, Hawlsocodsiin Shaqada Wasaaradda La Qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud.

16-01-2021 Hargeisa "Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud" Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Kulan Barasho, Dardargalin, Hawlsocodsiin Shaqada Wasaaradda La Qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.

Kulan Ayaa Ahaa Mid La Iskaga Xogwareystay Qaabka Cusub ee Wadashaqeyneed Ee Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Madaxweynuhu Usoo Magacaabay Dr. Jamaal Cabdi Muuse Uu Ku Hagi Doono Wasaaradda, Kulankaas Ayaa Lagaga Hadlay Shaqooyinka Waaxuhu Uqaabilsanyihiin Mid Kastaa Wasaaradda, Iyadoo Agaasime Waaxeed Kasta Warbixin, Hawlqabad Iyo Talooyin Soo Gudboyiyey.

Kulankan Oo Saacado Badan Qaatay Ayaa Ugu Danbeyn Agaasime Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Soo Gunaanaday, Isagoo Agaasime Waaxeed Kasta Faray Inuu Dardargaliyo Shaqada Waaxdiisa, La Iskuguna Yimaado Shir Danbe Maalinta Khamiista Insha Allah.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ