Agaasimaha Guud Dr Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Ka Qeybgalay Dhagax Dhigayey Machadka Dawladaha Hoose


Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Ka Qeybgalay Munaasibad Lagu Dhagax Dhigayey Machadka Dawladaha Hoose Ee Somaliland.

Munaasibadan Dhagax Dhiga Ayaa Waxa Kasoo Qeybagalay Maayirka Hore Ee Caasimadda Hargeisa, Iyo Maayirka Cusub Ee Loo Doortay, Maayirka Boorama, Maayirka Berbera, Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Machadka Dawladaha Hoose Iyo Marti Sharaf Kale Oo Baddan.

Badi Masuuliyiinti Madasha Kasoo Qeybgalay Ayaa Madasha Ka Hadlay, Waxayna Soo Dhaweeyeen Dhagax Dhigan Maanta Machadka Dawladda Hoose Halkan Laga Dhagax Dhigayo, Waxay Bogaadiyeen Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Dhulka Bixisay Iyo Dhismahaba Oo Naqshadda Iyo Ilaalinta Tayadda Dhismaha Labadda Iyadu Ilaalin Doonto.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Oo Madasha Ka Hadlay Ayaa Sheegay Inuu Qaranka Usoo Kordhey Dhismahan Maanta Ladhagax Dhigay, Wuxuu Bogaadiyey Dawladihii Hoose Ee Iskugu Tagay Ee Bixiyey Lacagta Lagu Dhisayo Dhismahan, Wuxuuna Hoosta Ka Xariiqey Inuu Noqon Doono Mid Shaqaalaha Dawladaha Hoose Ee Dalku Ku Intifaaci Doonaan.

Agaaasime Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Sheegay In Wasaaradda Hawlah Guud Bixisay Dhulka Dhismaha Laga Dhisayo, Sidoo Kalana Naqshadda Iyo Ilaalinta Tayadda Dhismahan Wasaaradu Leedahay, Wuxuuna Soo Dhaweeyey Wada Shaqeyn Waanagsan Oo Dhexmarta Maaayiradda Cusub Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Iyo Wacyigalinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ