Agaasimaha Guud Ayaa Ka Qeybgalay Shirka Gudida Farsamo ee Maamuldaadajinta Kaas Oo Ka Furmay Magaalada Berbera.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Ka Qeybgalay Shirka Gudida Farsamo ee Maamuldaadajinta Kaas Oo Ka Furmay Magaalada Berbera.

Shirkas Ayaa Qabsooma 45 Cisho Hal Mar, Kaas Oo Kolba Hal Degmo Ka Qabsooma, Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Mashruucan Uqaabilsan Dhinaca Dhismaaysah, Taas Oo Uu Qabjoog Ka Ahaa Hawlwadeenka Wasaaradda Uqaabildan Eng Maxamed-Cali Axmed Xuseen, Waxa Isna Shirka Qeyb Ka Ahaa Agaasimaha Naqshadeynta Magaalooyinka Eng C/raxmaan Maxamed Aar.

Shirkan Ayaa Lagu Lafo Gurey Wixii Qabsoomay, Isagoo Daarnaa Isla Xisaabtan, Agaasimaha Guud Ayaa Bogaadiyey Ka Qeybgalayaasha Shirkan Iyo Degmadda Martigalisayba

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.\

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/