Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Magaaladda Jigjiga Kaga Qeybgalay Kulanwaynaha Madasha Iskaashiga Magaalooyinka Itoobiya


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Magaaladda Jigjiga Kaga Qeybgalay Kulanwaynaha Madasha Iskaashiga Magaalooyinka Itoobiya Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Federalka Itoobiya

Kulankan Ayaa Ka Dhacay Magaaladda Jigjiga, Waxaana Kasoo Qeybgalay Wasiirka Hawlaha Guud ee Federalka Itoobiya, Madaxweyne Ku Xigeenka Dawlad Deegaan Somalid, Wasiirul Dawlaha Horumarinta Magaalooyinka, In Ka Baddan 60-Maayir Oo Magaalooyinka Itoobiya Ka Kala Socday, Iyo Marti Sharaf Baddan Oo Lagu Martiqaaday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Khudbad Halkaas Kasoo Jeediyey, Wuxuuna Si Weyn Sharaxay Walaaltinimada Iyo Jaarnimada Dhextaal Labadda Dal Ee Itoobiya Iyo Somaliland, Wuxuu Soo Dhaweeyey Xidhiidh Dhexmara Hayadaha Labadda Dawladood, Wuxuuna Uga Mahadceliyey Dawlad Deegaanka Inay Kulankan Kusoo Martiqaadeen Wasaaradda Hawalaha Guud ee Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD


Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos