Badhasaabka Gobolka Sanaag Iyo Maayirka Degmadda Ceerigaabo Ayaa Maanta Si Rasmiya Xilkii Ugu Kala Wareejiyey Iskuduwihii Hore Iyo Iskuduwaha Cusub Ee Dhawaan Wasiirka Hawlaha Guud Umagacaabay Gobolka

Badhasaabka Gobolka Sanaag Iyo Maayirka Degmadda Ceerigaabo Ayaa Maanta Si Rasmiya Xilkii Ugu Kala Wareejiyey Iskuduwihii Hore Iyo Iskuduwaha Cusub Ee Dhawaan Wasiirka Hawlaha Guud Umagacaabay Gobolka Sanaag Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

19-04-2022 Ceerigaabo “Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud” Badhasaabka Gobolka Sanaag Iyo Maayirka Degmadda Ceerigaabo Ayaa Maanta Si Rasmiya Xilkii Ugu Kala Wareejiyey Iskuduwihii Hore Iyo Iskuduwaha Cusub Ee Dhawaan Wasiirka Hawlaha Guud Umagacaabay Gobolka Sanaag Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Mudane Axmed Cabdi Muuse, Iyo Maayirka Degmadda Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur Ayaa Maanta Si Rasmiya Xilkii Ugu Kala Wareejiyey Iskuduwihii Hore Iyo Iskuduwaha Cusub Ee Dhawaan Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Umagacaabay Gobolka Sanaag Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Iskuduwihii Hore Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Maroodijeex Mudane Eng. Maxamed Saleebaan Oo Madasha Xilwareejinta Ka Hadlay Ayaa Umahadceliyey Masuuliyintii Kala Duwanayad Ee Uu Lasoo Shaqeeyey Ee Gobolka Sanaag Sida Badhasaabka Iyo Maayirka, Iskuduwayaasha Wasaaradaha Ee Gobolka Sanaag Iyo Masuuliyinte Sare Sare Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Wuxuuna Balan Qaaday Inuu Si Daacadnimo Ah Ula Shaqeyn Doono Masuulka Cusub Ee Loo Magacaabay Iskuduwaha Gobolka Sanaag Ee Wasiirku Usoo Magacaabay, Wixii Khibrad Shaqo Ahna Uu La Wadaagi Doono.

Iskuduwaha Cusub Ee Wasaaradda Eng. Jamaal Xasan Waged Ayaa Balan Qaaday Inuu Si Daacadnimo Ah Ula Shaqeyn Doono Dhamaan Maamulka Gobolka Sanaag Iyo Kan Degmadda Ceerigaabo Iyo Masuuliyiinta Sare Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Sidoo Kale Iskuduwayaasha Hayadaha Kala Duwan Ee Dawladda Ee Gobolka Sanaag Ee Wada Shaqeynta Yeelan Doonaa, Shaqo Kasta Oo Xafiiskana Qabana Noqon Doono Mid Kasoo Baxana Noqon Doono, Isagoo Masuulikii Xilka Ku Wareejinayey Ka Codsaday Inuu La Shaqeeyo Wixii Talo Iyo Tusaale Ahna Lagarab Istaago.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Mudane Axmed Cabdi Muuse, Iyo Maayirka Degmadda Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur Oo Hadalka Isaka Dabo Maray Ayaa Soo Dhaweeyey Iskuduwaha Cusub Xilka Cusubna Ugu Duceeyey Inuu Alle Ku Asturo, Iyagoo Iskuduwihii Horena Ku Bogaadiyey Shaqadii Baaxda Lahayd Ee Usoo Qabtay.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMAAD