Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Oo Shacabka Magaaladda Boorama Kala Qeybgalay Xus Ballaadhan

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Oo Shacabka Magaaladda Boorama Kala Qeybgalay Xus Ballaadhan Oo Fagaaraha Magaaladaas Loogu Sameeyey Munaasibadda Qaran Ee 18-Ka May.
18-05-2022 Boorama “Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud” Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Oo Shacabka Magaaladda Boorama Kala Qeybgalay Xus Ballaadhan Oo Fagaaraha Magaaladaas Loogu Sameeyey Munaasibadda Qaran Ee 18-Ka May.
Munaasibadda lagu qabtay barxadda fagaaraha Maagaladda Boorama ayaa waxa kasoo qeybgalay Wasiiro, Agaasimaya Guud, Maamulka Gobolka Awdal Iyo Kan Degmadda Boorama, siyaasiyiin iyo haldoor bulshada Gobolka Awdal, iyo kumaan dadweynaha Magaaladda Boorama ah, waxana fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso badan oo lagu muujinayo maalinta qarannimada ee 18-ka May.
Qaybaha kala duwan ee bulshada ah, bahda waxbarashada, degmooyinka Magaladda Boorama, kooxaha Sports-ka oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fagaaraha koox koox u maray, kuwaas oo ay ka muuqatay shucuur waddaniyadeed.
Cutubyo kala duwan oo kamid ah ciidamada kala geddisan ee qaranka oo agabkooda ciidan u dhammaystiran yahay, ayaa iyo gaaddo-ka-ciyaar xirfadi ka muuqato goobta kusoo bandhigay, kuwaas oo shucuur waddaniyadeed iyo qiiro geliyey shacabkii waddooyinka kala duwan ee caasimadda ka daawanayey iyo masuuliyiintii madaxweynuhu u horreeyey ee xuska ku sugnaa.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe oo shacabka Magaaladda Boorama u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, ayaa ugu horrayn bulshada reer Somaliland meel ay joogaanba ugu hambalyey munaasibadda qaran ee 18-ka May, waxana uu si qoto dheer uga sheekeeyey sababihii keenay inay Somaliland go’aansato iyo in maanta ay isaga sharaf utahay inuu joogo Magaaladda lagu unkay nabadda Somaliland 1993-kii.
Agaasime C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe waxa uu sheegay in dawladnimada Somaliland ku timi rabitaan shacab, kuna tashadeen inay qaran buuxa dhistaan, kana mid noqdaan dawladaha dunida ka jira ee Dimuqraaddiga ah.
DHAMAAD