Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Ayaa Maanta Kala Direy Hawlwadeenada Ka Shaqeyn Doona Diiwaangalinta Hantida Maguurtadda

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Ayaa Maanta Kala Direy Hawlwadeenada Ka Shaqeynay Doona Diiwaangalinta Hantida Maguurtadda “Asset Registration”  Dhammaan Goboladda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Ugu Horeyn waxa madasha ka hadlay Madaxa Diiwaangalinta Hantidda Maguurtadda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/raxmaan Xariir Baaruud Oo ka warbixiyay Diwaangalinta Hantida Maguurtada isagoo sheegay in loo adegsanayo system cusub Oo lagu diwaan galinayo Hantida Maguurtada, Isla maantana hawlwadeenadani ukala bixi doonanan dhamaan Gobolada Dalka.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in hawshan la soo waday diyaarinteeda in mudo ah Oo tacab badani soo galay. Isagoo sheegay Gobolada ay tagayaan shaqaalaha inay kala shaqeyn doonaan Maamulka Gobolka Iyo kan Degmadda ay kolba joogaan.

Agaasime C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa sidoo kale shaqaalaha kula dardaarmay in ay shaqo qaran u baxayaan isla markaan ilaaliyaan wakhtiga shaqada. Isla markaana ay iska xilsaaraan shaqadda ay ubaxayaan inay Qaranka Masuul uga tahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu,

wuxuuna kula dardaarmay shaqaalaha maanta shaqada baxaya maanta in wixii hanti Dawladeed ah soo diwaan galiyaan isla markaan wakhtiga shaqada ay ilaaliyaan wixii carqalad ah Ee ay la kulmaana ay la soo xidhiidhan xafiiska hantida ma guurtada ah.

ALLAA MAHAD LEH