Shirka Dib U Eegista Iyo Qiimeynta Waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda Ee Lixdii Biloodkii Hore Ee Sannadkan 2022 Oo Magaaladda Hargeysa Ka Furmey.

Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaan Maanta Magaaladda Hargeysa Ka Furey Shirka Dib U Eegista Iyo Qiimeynta Waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda Ee Lixdii Biloodkii Hore Ee Sannadkan 2022.

Shirkan saaka furmay ayaa ku qotomay Qorshihii Sagaalka Waaxood ee Wasaaradda loo dajiyey sannadkan 2022, wixii uga qabsoomay Lixdii Bilood ee hore ee hadda tagay, iyadoo Waax kasta lasoo bandhigay wixii uqabsoomay, iyadoo kadib lagu sameynayey dib-ueegis, iyo qiimeyn waax kasta ah, sidoo kalan Agaasime Waaxeed kasta lagu weydiinayey weydiimo ka dhalanayey Qorshihii udajisnaa waxa uga qabsoomay.

Shirka oo saaka ka furmay Magaaladda Hargeysa waxa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasiamha Guud Ee Wasaaradda Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe, dhamaan Agaasime Waaxeedyada iyo dhamaan lataliyaasha Wasaaradda.

Ugu horeyn waxa Shirka furitaankiisa hadal kasoo jeediyey Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Eng. Ciise Maxamuud Ciise, oo ka waramay ujeedada ka danbeysa in la qabto oo Waaxda Qorsheyntu soo qaban qaabiso shir noocan oo kale ah, isagoo xusay inay mudantahay in ka Wasaaradd ahaan la is qiimeeyo, dib u’eegisna lagu sameeyo Qorshe sannadeedkii Wasaaradda udagsanaa wixii waxyaha uga qabsoomay Lixdii Bilood ee hore ee sannadka, taasna tahay ujeedad uweyn ee manta halkan la iskugu yimid.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa ugu horeyn umahadceliyey Waaxda Qorsheynta ee shirka soo Agaasintay, isagoo uga mahadceliyey sida fudud ay usoo ururiyeen dhamaan waxqabadkii Sagaalka Waaxood oo qaab urursan manta halkan kusoo bandhigayaa, wuxuuna xusay in sunne fiican tahay in la is qiimeeyo Qaran ahaan iyo Wasaarad ahaanba, wuxuuna guul urajeeyey Agaasime Waaxeedyada maanta waxqabadkooda lasoo bandhigayo.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo shirka furitaankiisi kalmado kooban kasoo jeediyey ayaa sheegay in kulankan ay kasoo bixi doonto halka uu marayo Qorshihii Wasaaradda Hawlaha Guud loo dajiyey inay ku hawlgasho sannadkan 2022 wixii ka qabsoomay lixbiloodkiisi hore, wuxuu umahadceliyey Waaxda Qorsheynta ee soo diyaarisay ee manta soo jeedinaysa, sidoo kalana guul urajeeyey Agaasime Waaxdyada waxqabadkooda maanta lasoo bandhigi doono. Isagoo isla xisaabtanka iyo qiimeynta lagu sameyn doono waaxaha Wasiirku ku sheegay guul ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu si guud uwada gaadhay.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor oo shirka maanta si rasmiya ufurey ayaa sheegay inuu noqon doono shir lagu falanqeeyo qorshihii Wasaaradda udagsanaa sannadkan 2022 lix biloodkiisi hore ee dhamaaday, Wasiirka ayaa sheegay in qorshan Wasaaradda marka hore laga soo dheegay Qorshaha guud ee Qaranka, wuxuuna sheegay in bini aadamka sidiisaba in la isla xisaabtamaa ay tahay mid manfac u ah in cid kasta ogaato halka ay joogto, maantana Wasaaradu ay gudaheeda isla xisaabtan qorshihii hore ugu dagsanaa inay isla eegi doonaan, Waax kasta waxa uqabsoomay, wax aka dhiman sidoo kalana Agaasime Waaxeed kastana weydiimo lagu weydiin doono Agaasime Waaxeed kasta, isagoo Wasiirku ugu danbeyn xusay in Shirkan kasoo bixi doonto Qiimeyn rasmiya iyo Warmutiyeed ay soo saari doonto Waaxda Qorsheyntu.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD