Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa Kormeer Kusoo Sameeyey Dhulkii Uu Marey Master Plan-kii Wasaaradda Hawlaha Guud Ka Fulisay Degmadda Laascaanood

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Ayaa Kormeer Kusoo Sameeyey Dhulkii Uu Marey Master Plan-kii Wasaaradda Hawlaha Guud Ka Fulisay Degmadda Laascaanood

Kormeerkan Agaasimaha Guud Iyo Waftigiisu Sameeyey Waxa Ku Wehelinayey Badhasaabka Gobolka Sool Mudane C/kariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayirka Degmadda Laascaanood Mudane C/raxmaan Cali Cabdi, Taliyaha Qeybta Gobolka Sool, Masuul Kala Duwan Oo Ka Socotay Dawladda Hoose Ee Laascaanood Iyo Iskuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Sool.

Kormeerkan Ayaa Dadnaa Badqabka iyo Sidii Loo Ilaalin Laaha Qorshe Magaaleedkii Loo Sameeyey Magaaladda Laascaanood, Iyadoo Dhamaan Ay Soo Mareen Wadooyinkii Waaweynaa Ee Master Plan-ka, Iyo Wadooyinkii Yaryaraa Ee Ka Farcameyey Qorshe Magaaleedkii Laascaanood Oo Jadda Soo Dhamaaday.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Qaranka Uga Xilsaaran Sameynta Naqshadaha Magaalooyinka Iyo Hirgalinta Dhamaan Qorshe Magaaleedyada Laga Fulinayo Magaalooyinka Dalka, Waxa Xusid Mudane In Magaaladdan Laascaanood Ay Master Plan Usameeyeen 2019-kii. Taas Oo Intii Ka Danbeysay Magaaladda Laascaanood Yeelatay Naqshad Rasmiya Oo Maanta Lagu Dhaqmo.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD