Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ayaa Shir Albaabadu Uxidhanyihiin Xafiiskiisa Kula Qaatay Badhasaabka Gobolka Sool Mudane C/kariim Aadan Xaaji Diiriye.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Ayaa Shir Albaabadu Uxidhanyihiin Xafiiskiisa Kula Qaatay Badhasaabka Gobolka Sool Mudane C/kariim Aadan Xaaji Diiriye.

Kulankan waxa goobjoog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Sool C/kariim Aadan Xaaji Diiriye, Agaasime Waaxeeddada Wasaaradda ee Waaxyaha, Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha, Dhulka Iyo Naqshadeynta Magaalooyinka Iyo Iskuduwaha Wasaaradda Ee Gobolka Sool.

Kulan Ayaa Daarnaa Sidii Loo Ilaalin Lahaa Olalaha Kiradda Hantida Maguurtadda Ee Dawladu Leedahay Sida Guryaha Dawladda, Kaalmaha Shidaalka, Bakhaaradda Dawladda Iyo Meheradaha Gamacsiga Ee Dawladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Ka Bilawday Guud Ahaan Gobolka Sool, Gaar Ahaan Magaaladda Laascaanood

Dhinaca Kulanka Dhexmaray Badhasaabka Gobolka Sool Mudane C/kariim Aadan Xaaji Diiriye Iyo Waftigan Uu Hogaaminayey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Sidoo Kale La Iskula Soo Qaatay Sidii Loo Ilaalin Lahaa Dhamaan Wadooyinkii Uu Sameeyey Master Plan-kii Magaaaladda Laascaanodo Ay Ka Fulisay Wasaaradda Hawlaha Guud, Sidoo Kale Loo Ilaalin Lahaa Dhulka Danta Guud Ee Ay Qaranka Uga Masuulka Tahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD