Wasiir Ku Xigeenka Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ayaa Si Wada Jira U Soo Dhaweeyey Shaqaalaha Cusub Ee Kasoo Baxay Shaqo Qaran Dufcadii Saddexaad Ee Kusoo Biiray Wasaaradda Hawlaha Guud Ee JSL.

Wasiir Ku Xigeenka Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Si Wada Jira U Soo Dhaweeyey Shaqaalaha Cusub Ee Kasoo Baxay Shaqo Qaran Dufcadii Saddexaad Ee Kusoo Biiray Wasaaradda Hawlaha Guud Ee JSL.

Shirka Lagu Soo Dhaweynayey Dufcadii Saddexaad Ee Kusoo Biiray Wasaaradda Hawlaha Guud JSL, Waxa Kasoo Qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldan Aadan Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaarada Hawlaha Jamaal Ibrahim Colaad Iyo Agaasimaha Waaxda ICTga ee Wasaarada Hawlaha Umalkhayr Aadan Maxamed, Agaasimaha Waaxda Maamulka lyo Lacagta Sharmaarke Maxamed Saalax, Agaasimaha Waaxda Guryeynta ee Wasaarada Hawlaha Guud Eng. Axmed Haybe Colijoog, Agaasimaha Waaxda Dhismaha ee Wasaarada Hawlaha Eng. Ilyaas Maxamed Ibraahin.

Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaarada Hawlaha Jamaal Ibrahim Colaad Iyo Agaasimaha Waaxda ICTga ee Wasaarada Hawlaha Umalkhayr Aadan Maxamed Ayaa Ugu Horeyn Soo Dhaweeyey Shagaalaha Cusub Ee Kasoo Baxay Shaqo Qaran Oo Noqonaysa Dufcadii Sadexaad Ee Ku Soo Biirta Wasaarada Hawlaha Guud Dhulka lyo Guryaynta.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldan Aadan Yuusuf Ayaa Isna Dhinaciisa Soo Dhaweeyey Shaqaalahan Cusub Ee Shaqo Qaran Ee Kusoo Biirey Wasaaradda Hawlaha Guud, Isagoo Agaasimuhu Kusoo Dhaweeyey Wasaaradda, Sidoo Kalana Usharaxay Shuruucda Iyo Hanaanka Ay Ushaqeyso Wasaaradu, Wuxuuna Ku Bogaadiyey Dhallinyartan Carbiskii Shaqo Qaran Ee Ay Mudada Kusoo Jireen, Isagoo Urajeeyey Inay Noqdaan Qaar Wax Ka Badala Wasaaradda Ay Kusoo Biireen Iyo Qarankaba.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Isna Gunaanadkii Dhinaciisa Wasaaradda Hawlaha Guud Kusoo Dhaweeyey Shaqaalaha Dufcadi Sadexaad Ah Ee Shaqo Qaran Kuna Soo Biira Wasaaradda Haqlaha Guud, Wuxuuna Alle Uga Rajeeyey Inuu Ufudeydiyo Shaqooyinka Cusub Ee Ay Bilaabi Doonaan.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYd