Wasiirka Wasaaradda Ayaa Si Rasmiya Udhagax Dhigay Aaga Warshadaha Gobolka Maroodijeex

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Wasiirka Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha Ayaa Saaka Si Rasmiya Udhagax Dhigay Aaga Warshadaha Gobolka Maroodijeex

Aaga Warshadaha Gobolka Maroodijeex Ee Saaka Ladhagax Dhigay, Dhulka Laga Hirgalin Doono Ayaa Ahaa Mid Hanti Maguurto Ah Oo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Masuul Ka Ahayd, Dhulkaas Oo La Yidhaa “Biyo Xidhka”, Dhulkaas Oo Ah Dhul Qaranku Leeyahay Oo Wasaaraduna Qaranka Uga Masuul Tahay.

Masuuliyiinti Madashan Kasoo Qeybgalay Ayaa Kamid Ahaa Xubno Kamida Golaha Wasiiradda Oo Kala Ahaa Arimaha Gudaha, Ganacsiga Iyo Dalxiiska, Horumarinta Maaliyadda, Deegaanka Iyo Isbadelka Cimiladda Iyo Horumarinta Maalgashiga Iyo Warshadaha. Maayirka Caasimadaf Hargeisa Iyo Gudoomiyaja Bank Dhexe.

Dhamaan Masuuliyantan Oo Madasha Ka Hadlay Ayaa Soo Dhaweeyey Mashruucan Maanta Ladhag Dhigayo Ee Aaga Warshadaha Gobolka Maroodijeex, Oo Dhulkiis Uu Yahay Hanti Maguurta Ah, Iyagoo Umahadceliyey Cid Kasta Oo Kasoo Shaqeysay Oo Ay Kaw Ka Tahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Iyagoo Dhamaan Warshadaha Ugu Baaqay Inay Soo Dagaan Halkan, Sidoo Kalana Bank-ka Somaliland Halkan Maalgashadaan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Ayaa Madasha Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Goobta Ka Wasaarad Ahaan U Asteeyeen Inay Noqoto Aaga Warshadaha Gobolka Maroodijeex. Iyagoo Dhulkan Yahay Mid Hanti Maguurto Ah, Iyagoo Dhulkana Lagu Sameyn Doono Xayndaab, Iyagoo Iska Kaashanaya Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa.

Wasiir C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Dhamaan Magaalooyinka Kale Laga Sii Diyaariyey Aaga Warshadaha Gobolka Kasta, Dhamaan Magaalooyinkaas Ay Kamid Yihiin Dhulkii Laga Sameeyey Master Plan-ka, Isla Markaana Naqshadihi Magaalooyinkaa Loo Sameeyey Lagu Muujiyey Aaga Warshadaha Magaalo Kasta. Taas Oo Hadda Magaalo Kasta Iyagoo Iskaashanaya Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Ay Degdeg Udhagax Dhigi Doonaan Dhammaan Magaalooyinkaas.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruu