Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Daahfurtay System-ka Cusub E-Goverment Oo Hadda Wixii Ka Dambeeya Wasaaradu Ku Shaqeyn Doonto.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Daahfurtay System-ka Cusub E-Goverment Oo Hadda Wixii Ka Dambeeya Wasaaradu Ku Shaqeyn Doonto.

Daahfurkan Waxa Saaka Kasoo Qeybgalay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane C/xakiim Siciid Bustaale, Gudoomiyaha Hayadda Dhowrista Tayadda Mudane Mukhtaar Maxamed Cali, Gudoomiyaha Gudi Hoosaadka Golaha Wakiiladda Ee Hawlaha Guud Eng. Xirsi C/laahi Xirsi, Martisharaf Iyo Mudan Kale, Iyadoo Madasha Ay Ka Qabsoontay Daahfurka System-kan Cusub Ay Ahayad Xarunta Hal-abuurka Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda.

Agaasimaha Waaxda ICT-ga Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Umalkhayr Suldaan Aadan Oo Ahayd Waaxda System-kan Samaysay Ayaa Sharaxday Qaabka Uu Shaqeyn Doono System-kan Cusub E-goverment, Iyadoo Agaasimuhu Sheegtay In System-kan Cusub Ee Wasaaradu Ku Shaqeynayso Uu Noqon Doono Internal Managment System.

Masuuliyiintii Kala Duwanaa Ee Madasha Ka Hadlay Oo Kala Ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane C/xakiim Siciid Bustaale, Gudoomiyaha Hayadda Dhowrista Tayadda Mudane Mukhtaar Maxamed Cali, Gudoomiyaha Gudi Hoosaadka Golaha Wakiiladda Ee Hawlaha Guud Eng. Xirsi C/laahi Xirsi Ayaa Si Mideysan Ubogaadiyey In Wasaaradda Hawlaha Guud Uguurto System-ka E-goverment Ee Ay Curisay Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadu, Iyadoo System-kaa Ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Noqotay Wasaaradi Uhoreysay Ee Hirgalisa System-ka.

Wasiiradda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan Iyo Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Dr. C/wali Sheekh C/laahi Suufi Jibriil Oo Si Rasmiya Udaahfurey System-kan Cusub Ee E-goverment Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Maanta Wixii Ka Danbeeya Uguurtay, Iyadoo ka guurtay Sytem-kii qadiimiga ahaa ee Tranditional-ka ahaa, Iyadoo Maanta Laga Bilaabo Wasaaradu Shaqo Maalmeedkeedu Wasaaradu Noqon Doonto Onlien, Dadweynaha Adeega Joogtada Usoo Doontana Ugu Adeegi Doonto Online.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD