Wasiirka Hawlaha Guud Oo Shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay soo saarayaan Xeerkii Dhismayaasha Qaranka "Building Code

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Ka Hadlay Dhismayaal Maalmihi Udanbeeyey Dumay Isla Markaana Sheegay In Soo Saarayaan Xeer Lagu Maamuli Doono Dhismayaasha Dalka "Building Code".

 

Wasiirka Ayaa Ka Hadlay Qaabka Hadda Dhismayaasha Loo Dhiso, Isagoo Sheegay Inay Meesha Ka Maqantahay Badqab La'aanta Shaqaalaha Dhismayaasha Dhisa Iyo Inaanu Aanu Jirin Injineeradi Lagu Talgalay Inay Dhisaan Oo Aan Hadda Gacanta Ku Haynin.

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Dhinaca Kale Fariin Udirey Hayadaha Caalamiga Ah ee Dawladda Ku Caawiya Dhismayaasha, Sidoo Kale Wuxuu Ku Dhawaaqey In Wasaaradda Hawlaha Guud Ay Soo Saarayso Xeerkii Dhismayaasha Qaranka "Building Code".

 

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed

Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD