TACSI WASIIR: 26/05/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan shaqaale weynaha  Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/05/2021 Magaaladda  Burco.

Waxaanu Wasiirku marxuumka ku sifeeyey Abwaan sugaan yahan ah oo wakhtigiisa ugu badan u huray dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo gacan weyn ka geystay sidii shaqada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu usocon lahayd, isagoo qaab farashaxan, wacyigalin iyo riwaayad intaba ku matalay sidii shaqadda Wasaaradda dadku ufami lahaayeen waliba xiliyada shaqooyinka Qorsheynta Magaalooyinka iyo Ilaalinta Dhulka Danta guud Wasaaradu wadey.
 
Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

ALLAA MAHAD LEH 
 

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Iyo Wacyigalinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ