Agaasimaha Iyo Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Ayaa Maanta Hawlgal Ay Hogaaminayeen Ku Dumiyey Dhismayaal, Kaabado, Iyo Seesas Sharci Daro Ah Oo Laga Dhisay Dhul Danguud Ah. 

27-05-2021 Hargeysa ‘’Xafiiska Saxaafada Wasaarada hawlaha Guud’’ Agaasimaha Iyo Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Ayaa Maanta Hawlgal Ay Hogaaminayeen Ku Dumiyey Dhismayaal, Kaabado, Iyo Seesas Sharci Daro Ah Oo Laga Dhisay Dhul Danguud Ah. 

Hawlgalkan Oo Uu Horkacayeen Agaasimaha Eng Axmed Maxamed Faarax Iyo Agaasime Ku Xigeenka Eng. Sakariye C/laahi Cumar, Ee Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Ayey Ku Dumiyeen Seesas, Kaabado, Iyo Dhismaayal Laga Bineeyey Dhul Danguud Ah Oo Ummada Ka Dhaxeeya.

Dhimayaashan La Baabiibeyey  Ayaa Ahaa Mid Sharci Daro Ah, Isla Markaana Lagu Boobay Dhulka Danta Guud, Wakhtiga Kala Guurka Doorashooyinka Ee Inagu Soo Aadan, Iyadoo Digiino Kala Duwan Goobtaas Ka Direen Masuulyinta Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Dhulkan Danta Guud ee Saaka Hawlgalka Laga Fuliyey, Ayaa Ku Kala Yaalay Koongurta Magaaaladda Hargeisa Ee Dhinaca Masalaha, Iyo Dhul Danguuda Oo Ku Teedsan Kantroolka Faraweyne, Dhulkaas Oo Baaxd Weyn Lana Doonayey In Lagu Tagrifalo.

Agaasimaha Eng. Axmed Maxamed Faarax Iyo Agaasime Ku Xigeenka Eng. Sakariye C/laahi Cumar. Ee Waaaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Mudnaanta Kowaad Siinaya Ilaalinta Danta Guud Iyo Goobaha Ka Dhaxeeya Bulshada Ayaa Hawlgalkan Hogaaminayey. Waxaanay Digiin Kama Danbeysa Udirayaan Dadka Caadeystay Inay Boobaan Dhulka Danta Guud Inay Ka Qaadayaan Talaabo Sharciga Waafaqsan, Waxaanay Ka Codsadeen Bulshada Gobta Ah Ee Reer Somaliland Inay Gacan Ka Siiyeen Sidii Loo Ilaalin Lahaa Goobaha Bulshada Ka Dhaxeeyey Dawlad Iyo Shacaba.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Qaranka Uga Wakiila Hantida Maguurtada Iyo Ilaalinta Dhulka Danta Guud, Waxay Sii Labo Jibaartay Kormeerkii Joogta Ahaa Ee Ay Ku Ilaalinaysay Dhulka Danta Guud, Maadaama Lagu Jiro Wakhtiga Kala Guurka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Dalka.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ