Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Ka Qeybgalay Dhagax dhiga Mashruuca horumarinta xeebta batalaale.

15-05-2021 Berbera "Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud"  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Ka Qeybgalay Dhagax dhiga Mashruuca horumarinta xeebta batalaale.

Dhagaxdhiga Mashruuca Horumarinta Degmadda Berbera Waxa Kale Oo Kasoo Qeybgalay Safiirka Midawga Yurub Uqaabilsan Somaliland Iyo Somalia, Wasiirka Qorsheynta Ee Somaliland, Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Ee Somaliland, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maareeyaha Dekadda Berbera, Maayirka Magaaladda Berbera Iyo Madax Kale.

Dowladda hoose degmada berbera waxay u aqoonsatay xeebta inay tahay meesha ugu muhiimsan ee dib-u-cusbooneysiinta magaalada berbera ka dib xilliyada hadda la joogo ee koritaanka magaalada

Masuuliyiintii Kala Duwanayd ee Madasha Ka Hadashay Ayaa Dhamaantood Si Iskugu Mid Ubogaadiyey Mashruucan, Waxay Urejeeyeen Inuu Guul Ku Dhamaado, Sidoo Kale Waxay Sheegeen Inuu Kor Uqaadi Doono Dalxiiska Loo Iman Doono Magaaladda Berbera.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta De. Jamaal Cabdi Muuse ayaa sheegay in Goobo kala duwan dadweynaha loo dhisi doono si ay ugu dalxiis yimaadaan, xeebtuna ay abuuri doonto  jawi firfircoon oo laga heli karo dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada  kala duwan, gaar ahaan carruurta, dhalinyarada, haweenka iyo qoyska.

Agaasime Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa bogaadiyey horumarka lataaban karo ee maaliba maalinta ka danbeysa ka hano qaaday Magaaladda Berbera, wuxuu bogaadiyey Midawga Yurub oo mashruucan maanta ladhagax dhigay iyagu maalgalinaya.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ